Ku saabsan kiradaada
Heshiiskaaga kirada waa heshiis sharci ah ee ka dhexeeyo adiga iyo Golaha Lewisham waxaana loogu talagalay in lagu hubiyo in adiga iyo kiraystayaasha kale aad daris fiican ahaataan iyo inaad guriga aad kiraysato sii fiican uu daryeeshaan.
Waxaa heshiiska ku qoran, dhowr qaanuun ee adiga, iyo dadka kula nool ama u soo booqda gurigaaga looga baahan yahay sharci ahaan inay fuliyaan. Heshiiska kirada wuxuu ku siinayaa xuquuqo iyo mas’uuliyado. Waxaa xittaa ku liis-garaysan adeegyada aad xaqqa uu leedahay inaad ku hesho lacagta aad ku bixiso kirada.
Lewisham Homes waa shirkad maareysa nus ka badan ee guryaha uu Golaha Lewisham leeyahay. Golaha wuxuu ka sugaayaa Lewisham Homes inuu soo aruuriyo lacagta kiradaada iyo inay gurigaaga ku haayaan si nabad iyo dayactir fiican leh. Lewisham Homes wuxuu xittaa hubinaayaa in adiga iyo kiraystayaasha kale ee Lewisham caawinaad ka bixisaan sidii aad xaafaddiina uga dhigtaan meel fiican ee lagu noolaan karo.