Mas’uuliyadahaada
Mas’uuliyadda ku saaran kirayste ahaan
• Kani (gurigaan) waa inuu ahaadaa meesha ugu muhiimsan ee aad guri ahaan ku isticmaasho. Haddii sabab walba ha noqotee aad gurigaaga ka maqnaan doonto in ka badan 6 toddobaad, waa inaad uu sheegtaa Lewisham Homes
• Waa inaad dadka ula-dhaqantid sida aad jeceshahay inay adiga kula dhaqmaan
• Adiga ayey kugu xiran tahay inaad hubisiid in qof walba ee u soo booqanaayo gurigaaga uusan jebinin qayb walba ee ka mid ah heshiiska kirada
• Waa inaad gudaha iyo dibedda gurigaaga iyo wixii beero ah ama waddooyinka aad isticmaasho ku haysaa si nadiif iyo nidaam ah
• Xittaa waa inaad ka hor-tagtaa in gurigaaga uusan qoyaan gudaha ka noqonin
Waa mas’uuliyaddaada inaad gurigaaga ku hayso xaalad dayactir oo fiican
Adiga ayay kugu xiran tahay inaad qurxiso gudaha gurigaaga iyo inaad dayactirto ama beddesho shay walba ee aad adiga guriga ku xirtay.
Haddii aad adiga, qof kuu soo booqday, qof kuu shaqeeyaa wax-yeeleeyo qayb walba ee guriga ka mid ah, waa inaad qaban-qaabisa iyo bixisa kharashka dayactirkaas ama hagaajintaas. Kani waxaa ka mid ah wax-yeelaynta uu booliska samayn karo sidii ay sii xoog ah gurigaaga u soo galaan.
Ka hor intii aadan isku dayin inaad wax shaqo ah ka qabato gurigaaga, soo hubi in laguu ogol yahay inaad samayso shaqadaas. Haddii aad shaqo ama dayactir ka qabato guriga adigoo fasax qoraal ah ka haysan golaha, waxaa suurto gal ah inaad bixin doonto lacagta lagu fur-furaayo shaqada aad amar la’aan ku sameeysay.
Mas’uuliyaddaada bixinta kirada
Kirayste ahaan waxaa ku saaran mas’uuliyad inaad bixiso kiradaada waqtiga saxda ah ee lagu siiyay. Bixinta joogtada ah ee lacagta aad ayuu muhiim u yahay. Waxaan horumarin karnaa oo keliya adeegga aan ku siinno haddii aan haysano lacagta aan ku bixinno adeeggaas. Haddii aadan awoodin inaad kirada bixiso fadlan nala soo xiriir. Waxaan kugu caawin karnaa codsiyada ceyrta (gaargaarka) iyo waxaan ku siin karnaa talo maaliyadeed.